5907 Views

Danta, Dadka iyo Dalka – xukuumada cusub ee RW Khayre

Danta, Dadka iyo Dalka – xukuumada cusub ee RW Khayre
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 21, 2017 –  Sida maanta la baahiyay waxaa Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ku dhawaaqay golihiisa wasiirada oo isgu jira wasiiro, Wasiir KuXigeeno iyo Wasiiro Dowlayaal.

Sida aan ka aragno liiska Golaha wasiirada cusub waxaa ka dhex muuqdo dad karti iyo aqoon u leh howlaha loo igmada, waxaad arkeysaa in dhamaan raga iyo dumarka loo kala maacaabay xilalka ay yihiin ku aqoontoodu sareyso lagana filayo inay ka dhabeeyaan halku dhigii Madaxweyne Maxamad Cabdulaahi Farmaajo ee ahaa “Danta, Dalka iyo Dadka” taasoo durbadiiba ku abuurto yididiilo rajo weyn gelisay shacabka Soomaaliyeed ee sida aan weligeed dhicin ugu farxay doorashadii Madaxweyne Farmaajo.

Rajada shacabka kasokoow, waxaad dareemeysaa in dhamaan wax garadka Soomaaliyeed ay dhamaan aad ugu riyaaqeen sida faragelin la’aanta iyo xoriyada uu madaxweyne Farmaajo u siiyay RW Khayre inuu u madax banaanaado soo xulida golihiisa wasiirada taasoo aad ka arki kartid in RW Khayre soo xulay gole wasiiro oo khibrad aqooneed iyo khibrad shaqo intaba u leh howsha loo igmaday.

Golaha wasiirada waxaa ka dhexmuuqdo dumarka Soomaaliyeed kuwoodii ugu aqoonta iyo kartida badnaa intii ay ku dhexjireen siyaasada Soomaaliya, waxaana rajeyneynaa in la heli doono xukuumad u taagan soo celinta xaqa haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin saamiga siyaasadeed maadaama dumarku ay yihiin lafdhabarka ummada.

Sida kale oo kamuuqato Golahaan ayaa ah in ay kujiraan xildhibaano katirsan Golaha Shacabka kuwaasoo helay wasiir ku xigoono iyo wasiiru dowlayaal, hadaba Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa soo ansixinta golahan wasiirada Cusub ee RW Xasan Cali Khayre.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment