942 Views

Ku dhawaad 4,000 oo qof oo Hindiya Covid-19 ugu dhimatay

Ku dhawaad 4,000 oo qof oo Hindiya Covid-19 ugu dhimatay
____________________________________________________________________________

Hindiya ayaa diiwaan gelisay maalintii ugu dhimashada badneyd ee ee coronavirus, iyada oo 3,689 ay u dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay xanuunka.

Axada maanta ah waxay ahayd maalintii afaraad oo toos ah Hindiya ay u diiwaan galisay in ka badan 3,000 oo dhimasho iyada oo mowjadda labaad ee masiibada ah ay sii kordhayaan, Wadar ahaan 215,542 qof ayaa ugu dhintey dalka COVID-19.

Tirada kiisaska ayaa kor u dhaaftay 19.5 milyan, halka 392,488 oo  cusub, xogta dowladda aymuujisay, Hindiya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Sabtidii ka gudba 400,000 oo kiis.

Goobaha daryeelka caafimaadka ayaa buux dhaafay, waxaana yaraaday neefsiiyihii, kaasi oo noqotay caqabadda ugu halista badan.

Soddon iyo afar bukaan ayaa u dhintey oksijiin yaraan ka jirta isbitaalada caasimada New Delhi iyo gobolada Andhra Pradesh, Haryana sida ay  sabtidii uu sheegay Wargeyska Times of India.

Soddon iyo hal qof oo kale oo qaba calaamadaha u eg COVID-19 ayaa ku dhintey isbitaal ku yaal gobolka Uttar Pradesh, sida ay warbixintau  sheegteen  mas’uuliyiinta gobolka

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post