3189 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada Hirshabeelle  

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada Hirshabeelle  
____________________________________________________________________________
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo dhaweeyey ansixintii golaha wasiirrada cusub ee Hirshabeelle ee uu dhowaan Soo magacaabay. iyadoo baarlamaanka Hirshabeelle talaabada horumarka leh ay codka kalsoonida ku siiyeen Golaha wasiirada uu ku ammaanay.
Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyay si aqlabiyad ahna ku ansixiyay xukuumada cusub ee uu Madaxweyne Dr Cali Cabdullaahi Cosoble soo dhisay dhowaan, kuwaasi oo la filayo in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday, iyadoo Wasiirada maanta la ansixiyay ugu hambalyeeyay waajibaadka shaqo ee u bilaabatay, waxaana uu faray in bulshada ay tusiyaan waxqabad muuqda.
“Waxaan soo dhaweynayaa islamarkaana ammaanayaa sida mas’uuliyadda ku jirto ee dimuqraadiyada ah  ee baarlamaanka Hirshabeelle u ansixiyeen wasiirada. Tani waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo ay tahay shaqsi walba inuu soo dhaweeyo, Ansixintan golaha wasiirada oo matala dhammaan shacabka Deeganada Hirshabeelle ahna danta shacabka ayaa waxay shacabka iyo caalamkaba tuseysaa in hay’adaheenna dowliga ah ay yihiin kuwo mas’uuliyada ballaaran ee saaran u gudan kara si muhiim ah,” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle.
Sidoo kale, madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble  oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaa hadda lama huraan ah in xukuumadda cusub ay billowdo howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Waxaana horyaalla caqabado badan, hase ahaatee dadkeenu waxay ka sugayaan in horumar laga sameeyo dhan walba.”
Ugu dambeyn, Madaxweyne Cosoble wuxuu hadalkiisa ku sheegay in  baarlamaanka uu horyaallo ka doodista shaqooyinka laga sugayo iyo shuruucda muhiimka u ah dowladnimada loona baahanyahay in ay taasi xoojiyaan.
.


Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia

_____________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment