924 Views

G/Sare Maxamed Aadan Koofi “ 3-dii sanno ee u dambeysay……”

____________________________________________________________________________

G/Sare Maxamed Aadan Koofi “ 3-dii sano ee u dambeysay Hey’adda Socdaalka Jinsiyaddaha iyo Wasaaradda Amniga waxay ku guuleysteen sidii Xuduudaha laga soo galo dalka amnigooda loo sugi lahaa.. Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi oo safar ku maraya magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa halkaas ka furay Shirkii saddex bilaha ee Laamaha Hey’adda. Koofi ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha hey’adda iyo wixii u qabsoomay, kaddib markii uu shalay si rasmi ah magaalada Dhuusamareeb uga furay Shirkii saddex bilaha ee Laamaha Hey’adda.

“3-dii sano ee u dambeysay Hey’adda iyo Wasaaradda Amniga waxay ku mashquulsaneyd sidii Xuduudaha laga soo galo loo adkeyn lahaa amnigooda innagoo kaashaneyna dowlad goboleedyada, in xuduudaha la cayimo meelaha dalka laga soo geli karo, kadibna amnigooda la adkeeyo lagu dadaalo kuwa dhulka, garoomada diyaaradaha imaan karaan diyaaradaha caalamiga iyo dekedaha”ayuu yiri Agaasime Koofi. Sidoo kale Waxaa uu sheegay inay diyaariyeen illaa 15 bar xuduud oo dhulka ah, lana qalabeeyay, kuwaasoo loo qorsheeyay in si rasmi ah dalka looga soo geli karo, kaasoo mid ka mid ah uu dhismihiisa haatan socdo oo ah bar xuduudeedka ku yaalla deegaanka Kheydar ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo dhaca Xadka Itoobiya.

“Hey’ad ahaan waxaan u hadalnaa guud ahaan dalka kama hadalno gobol gaar ah”ayuu yiri Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Agaasime Koofi ayaa sheegay inay fursad u heleen intii uu dalka xirnaa xilligii Coronaha in la tirakoobo ajaaniibta, isla markaana tirakoobkaas uu meel gabgabo ah marayo, isagoo xusay inay jiraan ajaaniib sharci darro dalka ku soo galay oo ay tahay howl u taalla oo ay ka wada shaqeynayaan Maamul Goboleedyada, iyo Hey’addaha Qaxootiga qaabilsan.

Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Koofi ayaa intii uu xilka hayay sanadihii la soo dhaafay waxa uu dalka ku soo kordhiyay arimo ku aadan sare u qaadida Qiimaha Basaborka Somaliga ah iyo in tayaynta shaqalaha hay’ada laanta Socdaalka iyo in uu furo ama la koontaroolo baraha laga soo galo dalka, taasi oo ay ugu danbaysay 1991-dii.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post