975 Views

Shirk heer qaran iyo dowlad goboleedyada oo diirada lagu saarayaa maareynta Kheyraadka Biyaha

Shirk heer qaran iyo dowlad goboleedyada oo  diirada lagu saarayaa maareynta Kheyraadka Biyaha
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

 Shirkan oo ay ka qayb galayaan Howlwadeeno iyo Agaasimayaal ka kala socda heer qaran iyo dowlad goboleedyada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa maareynta Kheyraadka Biyaha, iyadoo la hirgalinayo qorshaha horumarinta biyaha oo Wasaaradda Tamarta iyo Kehyraadka Biyaha horey u diyaarisay, sida uu furitaanka shirka ka sheegay agaasimaha Waaxda cabirka iyo saadaasha biyaha ee Wasaaradda Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Axmed Maxamed Xasan.

Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Biyaha gobolad goboleedyada; Jubaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo ka hadlayay shirka ayaa soo bandhigay qorshayaashooda dhanka maareynta biyaha iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha heer dowlad goboleed iyo tan dowladda dhexe, iyadoo arrintaasi ay kamid aheyd waxyaabaha shirka looga hadlay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane C/risaaq Maxamed Muxumed oo  furay shirka ayaa xusay in Wasaaraddu diyaar u tahay talooyinka iyo aragtiyadaha ay soo jeediyaan xubnaha ka socda dowlad goboleedyada isagoo codsaday in laga wada shaqeeyo hirgelinta qorshaha horumarinta biyaha oo horay loo daahfuray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post