594 Views

Bangiga Adduunka oo saadaaliyey dhaqaalaha dunida inuu hoos u dhac uu wajahayo Sanadkan 2022

Bangiga Adduunka oo saadaaliyey dhaqaalaha dunida inuu hoos u dhac uu wajahayo Sanadkan 2022
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

Bangiga Adduunka ayaa sheegay dhaqaalaha dunida inuu hoos u dhac xooggan uu soo wajahayo, gaar ahaanna waddamada saboolka ah.

Bangigu wuxuu saadaaliyey hoos u dhaca dhaqaalaha dunida sanadkan ku imanaya inuu gaarayo 4.1% halka sanadki hore uu ahaa 5.5%.

Wuxuuna bangigu hoos u dhaca dhaqaale uu u sababeeyey cudurka safmarka ee dunida faraha ba’an ku haya iyo waddamada oo aan dooneyn iney muwaaddiniintooda gargaar ku filan u fidiyaan.

“Walaaca ugu weyn ee na haya ayaa wuxuu yahay sinnaan la’aanta dhaqaale oo dunida ku sii baaheyso” ayuu yiri madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass.

Bangigu waxaa kale uu sheegay waddamada sida Mareykanka, Japan iyo waddamada Yurub 2023-ka iney si buuxda uga soo kabanayaaan saameynta dhaqaalahooda uu u geystay cudurka safmarka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post