2031 Views

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay jir dileen ciidanka Kenya

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay jir dileen ciidanka Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 16, 2018 – Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo ka tirsan BFS ayaa shalay subax la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalladda Nairobi, kadib, markii ay Ciiddan ka tirsan Boliska dalkaasi jir-dileen.

Xildhibaanka oo ay Walaalo ahaayeen Wasiirkii la dilay ee  Cabaas Sheekh Maxamuud Siraaji waxaa Waaberigii hore ee shalay Isbitaalka la dhigay isagoo ay  dhaawacyo culus ,ka soo gaareen jir-dilkaasi.

Saraakiisha Boliska ee tacadigaasi u geystay Xildhibaan Siraaji ayaa sheegay inay ka shakiyeen inuu gaariga uu la socday Xildhibaanka la soo xaday.

“Xildhibaanka waxay Boliska soo weerareen kadib, markii uu nin ay saaxiib yihiin ku soo dejiyey Xaafadda Westland ee magaalladda Nairobi, wuxuuna Xildhibaanka ka badbaaday dhimasho” ayaa lagu yiri farriin uu Saxafi fadhigiisu yahay magaalladda Nairobi u soo diray Radio Dalsan.

Weriye ka tirsan Radio Dalsan oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay inay Boliska Kenya u xaqiijiyeen inuu dhacay Shilkaasi, waxayma  sheegeen inay xilligaasi baacsanayeen Gaari noociisu yahay TOYOTA LEXUS oo loo sheegay in laga soo xaday Kiambu.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji waxa uu xilligii ay Boliska dhaawaceen watay Gaari uu soo kireystay oo noociisu ahaa TOYOTA RAV4, mana kala cadda sababta ay Boliska Kenya u beegsadeen.

Qof la socday Xildhibaanka ayaa sheegay inay isaga  ilaa 2,000 oo Dollar kaga luntay inta ay Boliska baarayeen.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo bishii Feberaayo ee sannadkan loo doortay Xilkaasi waxa uu weli ku jiraa Isbitaal ku yaalla magaalladda Nairobi.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment