804 Views

Guddoomiye Cali Shacbaan oo qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Guddoomiye Cali Shacbaan oo qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 5, 2022

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo xafiiskiisa Aqalka Sare kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare iyo Safiirka ayaa Bogaadin kadib ka wada hadlay arrimaha Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya iyo sidii loo dedejin lahaa si dalku u helo xasilooni siyaasadeed

Waxay sidoo kale wada hadleen in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo gaar ahaan sidii labada Baarlamaan u yeelan lahaayeen xiriir wadashaqayn iyo isweydaarsi xirfadeed..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post