909 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland oo la filayaa in maanta uu dib ugu laabto magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland oo  la filayaa in  maanta uu dib ugu laabto magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Sabti: November 20, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa la filayaa in  manta uu dib ugu laabto magaalada Kismaayo sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo xalay loo sameeyay Casha sharaf saagootin ah islamarkaana Jimcaha dib ugu laaban lahaa Kismaayo ayaa ka baaqday, kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday in uu sugo.

Waxaa la sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu mar kale ku wargeliyay madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe in uusan Sabtida imaan karin islamarkaana taas ay keentay in Axmed Madoobe go’aan deg deg ah qaato.

Lama oga sababta keentay in Ra’iisul wasaare Rooble ka baaqdo safarkii uu Sabtiga ku imaan lahaa Garoowe, isaga oo aan u sheegin wakhtiga uu imaan doono.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post