963 Views

Cumar C/rashiid oo ka digay musuq-maasuq iyo boob la xiriira doorashada xildhibaanada labada aqal.

Cumar C/rashiid oo ka digay musuq-maasuq iyo boob la xiriira doorashada xildhibaanada labada aqal.
____________________________________________________________________________

Talaado: july 6 2021

Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa ka digay in la  sameeyaan musuq-maasuq iyo boob la xiriira doorashada xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

 Sharmaarke oo ka tirsan Aqalka Sare oo la hadlayay telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka & jadwalkii ugu dambeeyey ee ay soo saareen golaha wada-tashiga qaran.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore soo dhoweeyey soo saarista jadwalka cusub ee doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay inuu muhiim yahay in la dhaqan-geliyo, si looga faa’iideysto waqtiga yar ee la heysto.

Sidoo kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, haatana aha Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa digniin culus u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo uga digay inay sameeyaan musuq-maasuq iyo boob la xiriira doorashada xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

Senatorka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in la sameeyo dad korjoogto oo dusha sare kala socda doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada. https://fc9eba0921b42cbead44ac9feac21dcd.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post