852 Views

Deni Oo War Kasoo Saaray Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee La Magacaabay

Deni Oo War Kasoo Saaray Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee La Magacaabay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 18 2020
—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa u Hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisal Wasaaraha Cusub Mudane Maxamed Xuseen Rooble, runtii waxaa hortaalla shaqo baaxadleh oo masuuliyadeeda wadata, waxaana u rajeynayaa in uu ku guuleysto”

Madaxweyne Deni waxa uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Alle “SWC” u waydiiyey inuu ku asturo masuuliyaddaas weyn ee uu u qabtay dadkiisa iyo dalkiisaba.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post