1263 Views

Shirkadda DP World Oo Balan Qaad Cusub U Sameeysay Maamulka Puntland

Shirkadda DP World Oo Balan Qaad Cusub U Sameeysay Maamulka Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 15, 2019 –Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaardda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay dhismaha iyo ballaalinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka miri dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah.

Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xiriira dhismaha iyo balaarinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas balaadhan ee lagu horumarinaayo xiriirka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa kulankan kadib la qaatay kulamo muhiima masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kuwaasi oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo kale oo muhiima la qaatay Wasaaradda Ganacsiga dalka Imaaraadka, iyadoo mar-labaad laga wadahadlay dib u yagleelidda ganacsiga xoolaha nool, waxaana si buuxda la isula meeldhigay in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu bilaabo dhoofka xoolaha, waxaana uu kulankaasi kusoo dhammaaday guul.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment