1260 Views

Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan oo xabsiga la dhigay

Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan oo xabsiga la dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2019 –Ururka Taalibaan ayaa xaqiijiyay in Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaanta Afqanistaan lagu xiray magaalada Peshwar ee dalka Pakistaan.

Ururka ayaa sheegay in  ninka la xiray lagu magacaabo Hafez Mohibullah uu ahaan jiray wasiirkii arrimaha diinta maamulkii Taalibaanta Afqanistaan ka hor sannadkii 2001-dii.

Taalibaan ayaa  sheegtay in tallaabadan ay tahay isku dayga lagu cadaadinayo ururka iyadoo ay socdaan dadaalada Mareykanka uu ku doonayo inuu dhexdhexaadiyo wadahadallo dhexmara ururka iyo xukuumadda Afqanistaan.Pakistaan kama aysan hadlin xiritaanka sarkaalkan.

Waxayna arrintani imaaneysa xilli la filayo in Pakistaan ay gaaraan xubno matalaya Mareykanka si loo ambaqaado qorshaha dib u heshiisiinta ee Afqanistaan.  Mareykanka ayaa marar badan ugu baaqay Pakistaan in aysan wax gabaad siin Taalibaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment