1272 Views

Wasiirka cusub ee amniga oo la dhaariyey xilkana la wareegay

Wasiirka cusub ee amniga oo la dhaariyey xilkana la wareegay
____________________________________________________________________________

Khamiis: September 9, 2021

Wxaa goor dhawayd Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur uu la wareegay Howshii wasaaradaasi.

Xaflad kooban oo lagu dhaarinayay Wasiirka ayaa ka dhacday wasaarada Aamniga, waxaana ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, waxaana dhaariyey Wasiirka Cadaalada, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka..

Sidoo kale Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee amniga, Xundubeey ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in Wasaarada arrimaha Gudaha uu ka socda afduub lagu sheegayo xil wareejin, sida uu hadalka u dhigay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post