1554 Views

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Muqdisho Ka Furay Shir Muhiim Ah

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Muqdisho Ka Furay Shir Muhiim Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 08, 2019 –Kulankaan waxaa diirada lagu saaray xaqiijinta Amniga deegaanadii ciidanka Xoogga dalka ay ka xoreeyeen Alshabaab waxaana ka qeyb galay hey’adaha ka shaqeeya xasilinta iyo dowladaha taageera Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fereraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa soo dhoweeyay howlgalada ciidan ee lagu xoreynayo deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin.

“Waxaan soo dhoweynayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan gobolka shabeelaha hoose, kaas oo la doonayo in dib loogu xoreeyo deegaanada ka maqan gacanta Dowlada” ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Wasiirka ayaa sheegay inay si degdeg ah ugu shaqeynayaan xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo in la gaarsiiyo adeegyada nolosha dadka muhiimka u ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay safiirada Mareykanka iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya oo uu kala hadlay kordhinta taageerada mashaariicda xasilinta.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka socday Gobolka Shabeelaha hoose howlgalo Ciidanka Xoogga dalka deegaano muhiim ah kaga saareen Al Shabaab.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment