717 Views

Deeegaanka Isku-shuban ee Gobolka Bari, oo ku soo xirmay shir ku saabsan Nabadaynta Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Ugaas Saleebaan

Deeegaanka Isku-shuban ee Gobolka Bari, oo  ku soo xirmay shir ku saabsan Nabadaynta Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Ugaas Saleebaan
____________________________________________________________________________

February 22, 2021 

Deeegaanka Isku-shuban ee Gobolka Bari, waxa ku soo xirmay shir ku saabsan Nabadaynta Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Ugaas Saleebaan oo dhowaan halkaas dirir ku dhexmartay.

Labada beelood ayaa heshiis hordhac ah ka gaarey colaaddii dhexmartay, kadib markii Odayaasha dhaqanka labada dhinac iyo mas’uuliyinta dowladda Puntland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen xallinta arrimihii lagu muransanaa.

Munaasabada soo xiritaanka shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirada Amniga, Cafimaadka, Howlaha Guud, Tamarta Biyaha iyo Macdanta, Wasiirdowlaha wasaaradda arrimaha Gudaha, Wasiirdowlaha wasaaradda Dakadaha, Guddoomiyaaasha Gobollada Bari, karkaar, Xildhibaano, isimo Guddoomiyaha Degmada qardho, Maamulka Degmada Iskushuban, culimo, Saraakiisha laamaha amaanka iyo labadii dhinac ee heshiiyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post