2934 Views

Sacuudiga oo Dhaqaale u uruurinaya Soomaaliya, Yemen, Suuriya & Falastiin.

Sacuudiga oo Dhaqaale u uruurinaya Soomaaliya, Yemen, Suuriya & Falastiin.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31da Maarso, 2021–Hay’adda Gargaarka Bani aadamnimada ee Boqor Salmaan ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku damacsan tahay in ay dhaqaale ugu uruuriso dalalka Soomaaliya, Yemen, Suuriya & Falastiin si mashaariic kala duwan ay ugu badasho.

Waxa ay lacag uruurinta ka bilaabeysaa Gudaha Boqortooyada Sacuudiga muddo 50-Cishe ah si ay u hesho adduun lacageedka ay u baahan tahay oo ay tilmaamtay in qaabka ay u bixineyso ka fog tahay kala sooc & kala xulasho gaar ahaaneed.

Lacagtaan ay raadineyso Hay’adda Boqor Salmaan waxa ay shaacisay waxyaabaha ay ku bixineyso si ay uga faaiideystaan Muwaadiniinta Dalalka kor ku xusan oo dhibaatooyin dhanka Nolosha ah la daalaa-dhacaya.

Arab News oo xogta Warkaan daabacday ayaa sheegtay in Sacuudiga uu u qorsheeyay kaalmadaan in uu ku bixiyo Cunno, Waxbarasho, Caafimaad & Beeraha oo dhammaan laf dhabar u ah kasoo kabashada dhibaatooyinka Nololeed.

Hay’adda Boqor Salmaan ee Sacuudiga ayaa diyaarisay Mashruuc lacageed oo ay siisay Dowladaha Yemen, Falastiin, Suuriya & Soomaaliya inkasta oo aysan sheegin xiliga ay deeqdaan dhiibtay.

Yemen waxa ay heshay ($3.47 Bilyan) oo gargaar ahaan loo siiyay, Falastiin waxaa loo gacan-geliyay ($363 Milyan), Suuriya waxaa ku baxday ($305 Milyan) & Soomaaliya heshay adduun lacageed dhan ($202 Milyan).

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post