264 Views

Dalal tiro badan oo gaarey heshiis lagu badbaadinayo cimilada dunida

Dalal tiro badan oo gaarey heshiis lagu badbaadinayo cimilada dunida
____________________________________________________________________________

Axad:NOVEMBER 20, 2022

Shir madaxeedka cimilada adduunka ee ka socday maalmihii u danbeeyey dalka Masar, ayaa waxaa la isku raacay heshiis cimilo oo guud, kaasoo soo koobaya heshiisyo siyaasadeed oo lagu gaaray Sharma el-Sheikh.

Madaxa shirka cimilada dunida, Sameh Shoukry, ayaa soo gudbiyey dukumeentiga ka tarjumaya is-afgaradka la isugu yimid meel dhexe, ee ay qeybta ka yihiin inta badan dalalka caalamka.

Masaarida martigelisay shirkan cimilada ee Qaramada Midoobay, ayaa waxay ku guulaysteen wax aan caadi ahayn.

Waxay ka hadleen arrin xanuun badan oo soo noqnoqotay, tan iyo markii ugu horreysay ee wada hadalladani ay bilowdeen 30 sano ka hor.

Taasi ayaa ah sida dalalka nugul loogga caawin doono khasaaraha iyo dhaawaca isbeddelka cimiladu ay durba ku hayaan bulshadooda.

Laakiin isla mar ahaantaana ma aysan kicin hammi ah inay wax ka qabtaan sababaha asalka u ah isbeddelka cimilada, sida qiiqa gaaska lagu sii daayo hawada, iyo kululeeya meeraheena ee sii kordhaya.

Runtii, iyadoo la soo bandhigayo qayb cusub oo ah tamar “sii dayn yar”, ayaa waxay dad badani aaminsan yihiin inay dib ugu soo celiyeen wixii lagu heshiiyay shirkii cimilada ee u dambeeyay ee Qaramada Midoobay ee Glasgow.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post