1080 Views

Al-shabaab oo sheegtay in dagaalkii shalay Wisil ay ku dileen ilaa 50 askari oo Galmudug ah

Al-shabaab oo sheegtay in dagaalkii shalay Wisil ay ku dileen ilaa 50 askari oo Galmudug ah
____________________________________________________________________________

Isniin: June 28 2021

Ciidan lagu qiyaasay illaa iyo konton iyo labo, ayey al-shabaab ku dileen shaley weerar dagaal oo ay ku qaadeen magaalada Wisil, waxaa sidaasi qortey bar internet oo Alshabaab taageerta.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay dhankooda iney iyaguna dileen 41 kamid ah dagaal yahanadii soo weerarey.

Wisil waxey katirsan tahay gobolka Mudug, iyadoo 60km waqooyi galbeed ka jirta magaalada xeebeedka dekedda leh qadiimigana ah ee Hobyo.

Dagaalka ayaa bilawdey ka gadaal markii al-shabab bam ay dhigtay jidka dhinaciisa uu qarxey, kahor inta aaney isku dayin la wareegidda saldhig halkaasi ku yaalla.

Dagaalkan Wisil intii uu socday waxaa ku dhintey saddex qof oo rayid ah.

Saacado kahor dagaalkan, ayey maamul goboleedka Puntland waxey toogteen 21 dagaal yahan oo katirsan alshabaab, kadib markii ay xukuntay maxkamad military.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post