855 Views

Shaqaalaha gurmadka degdegga ee Hindiya oo isku dayayay inay badbaadiyaan 50 qof

Shaqaalaha gurmadka degdegga ee Hindiya oo  isku dayayay inay badbaadiyaan 50 qof
____________________________________________________________________________

Sabti: july 24 2021

Sida warka caalamkaba aad ku maqleyseen, Shaqaalaha gurmadka degdegga ee Galbeedka dalka Hindiya oo naxsan ayaa isku dayayay inay badbaadiyaan 50 qof oo laga cabsi qabo inay ku go’adoonsanyihiin dhul go’a ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Maharashtra ee dhaca galbeedka dalka Hindiya.

Saraakiisha ayaa sheegay in roobabka xoogga leh ee da’ay maalmihii la soo dhaafay ay sababeen daadad ay ka dhacaan qeybo badan oo ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo sababay burbur ballaaran.

Ugu yaraan 136 qof ayaa ku dhimatay Maharashtra, halka Goa oo deris la ah ay boqolaal guri waxyeelo soo gaartay.

Waxyaabo badan ayaa ka qayb qaata daadadka, laakiin khubaradu waxay leeyihiin isbeddelka cimilada ee ay sababtay kuleylka adduunka ayaa ka dhigaya roobab aad u badan inay u badan tahay.

Roobab culus iyo daadad ayaa sidoo kale ku dhuftay galbeedka Yurub iyo qaybo ka mid ah Shiinaha toddobaadyadii la soo dhaafay, halka Waqooyiga Ameerika ay wajaheen kuleylo kulul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post