381 Views

Nin horey uga tirsanaa jabhadihii Sierra Leone oo kasoo muuqday maxkamad ku taalla Finland

Nin horey uga tirsanaa jabhadihii Sierra Leone oo kasoo muuqday maxkamad ku taalla Finland
____________________________________________________________________________

Arbaco: January  11 2023

Nin looga shakiyay in uu ka tirsanaan jiray jabhadihii Sierra Leone ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taalla dalka Finland kasoo lagu eedeeyay in uu tacaddiyo geystay xilliggii dagaalkii Liberia.

In dib loo dhageysto kiiskiisa ayaa lagu amray kadib markii ninkan lagu magacaabo Gibril Massaquoi ay beri yeeshay maxkamadda heerka hoose sanadkii lasoo dhaafay.

Waxaana kiiskiisa bisha dambe loogu gudbinaya Liberia kadibna waxaa loo sii wareejin doonaa Sierra Leone.

Gibril Massaquoi waxaa lagu xiray Finland sanadkii 2020-kii, waxaana lagu eedeeyay in uu geystay falal isugu jira dil, kufsi iyo dambiyo dagaal.

Wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu sarreysay jabhaddii ka jirtay Sierra Leone ee Revolutionary United Front , sidoo kale ka dagaallantay Liberia.

Boqolaal kun oo qof ayaa lagu dilay halka qaarkoodna la jarjaray xilliggii uu socday dagaalladii Sokeeye ee Liberia iyo Sierra Leone sanadihii 1990s iyo 2000s.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post