870 Views

Puntland oo dambiile u aqoonsatay dadka diidan lacagta Shillin Soomaaliga

Puntland oo dambiile u aqoonsatay dadka diidan lacagta Shillin Soomaaliga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2020 –Puntland oo dambiile u aqoonsatay dadka diidan lacagta Shillin SoomaaligaMaamulka Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si kulul uga hadlay diidmada ay qaar kamid ah Ganacsatada & Bulshada Magaalada Gaalkacyo ay ka muujiyeen lacagta Shillinka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdo ladiif Muuse Nuur San-yare ayaa sheegay qofkii diida isticmaala lacagta Shillinka Somaaliga ay u aqoon san doonaan inay tahay dambiile.

Waxaa uu sheegay in sababah keenay sicir bararka kajira Magaalada Gaalkacyo ay tahay, kaddib markii Ganacsatada ay didien isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga, waxaana Ganacsatada iyo sariflayaasha uu ugu baaqay inay socod siiyaan lacagta.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdo ladiif Muuse Nuur San-yare waxaa uu sheegay in dhankooda ay fulin doonaan amarka ah isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliya dadkii diidana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa siwyen Magaalada gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug looga dareemay sicir barar xoogan, kaddib markii badi Ganacsaatda ay diideen isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post