1044 Views

Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahin kasoo baxeysa

Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahin kasoo baxeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 06, 2021:-Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Bariire oo kamid ah degaannada hostaga degmada Awdheegle ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Bariire, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ,isla markaana ay jiraan khasaarooyin labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay ku gaarsiiyeen khasaaro farabadan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post