654 Views

Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo heshiis ka gaarayo muranka doorshadda

Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo heshiis ka gaarayo muranka doorshadda
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Kadib wadahadalo malmihii lasoo dhaafay usocday xukuumada soomaliland iyo xisbiyada mucaardka aya waxaa manta lafilayaa in laga soo saaro warmurtiyadeed ku saabsan qodobada lagu heshiyey .

Dhowr mar oo ay kulmeen xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada Somaliland ayaa waxaa kulamadooda ay ku soo dhamaadeen natiijo la aan iyagoo ku balamay inay iskugu yimaadaan kulamo kale.

Xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa isku maan dhaaf sanaa in muddo ah sida ay u kala horeynayaan doorashada madaxtinimada, iyo furista xisbiyada.

Bulshada ku dhaqan deggaanada Somaliland ayaa dhowraya natiijada  kasoo bixi karta wadahadalada  maamulka iyo mucaaradka, iyagoo ku taliyey in mad madowga lagu xaliyo is afgarad iyo wada hadal.

Guddoonka labada gole  ee Baarlamaanka Soomaaliland iyo odayaasha dhaqanka ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu dhameynayo khilaafka u dhexeeya xukuumadda Soomaaliland iyo xubnaha Mucaaradka.

Kala aragti duwanaan ka dhalatay doorashada Somaliland ayaa sababtay in mucaaradka iyo xukuumada ay hadalo xanaf leh ay iku mariyaan saxaafada iyadoo madaxweynaha Somaliland muuse biixi lagu eedeyay  inuu doonayo inuu dib u dhigo doorashada Somaliland oo lagu wado inay dhacdo 13 bisha November ee sanadkaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post