492 Views

Barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka dal ku-galka Mareykanka oo dib loo furay

Barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka dal ku-galka Mareykanka oo dib loo furay
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Dowladda Mareykanka ayaa si rami ah u furtay barnaamijeeda bakhtiyaa-nasiibka ee fursadaha ku noolaasha Mareykanka, inkasta oo ay jirto kumannaan qof oo hore ugu guuleysay oo di u-dhac ku yimid rajadooda nolosha cusub, kuwaas oo u dhashay dalalka Afghanistan, Masar, Peru, Iran iyo waddamo kale.

Maamulka madaxweyne Biden ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in diiwaangelinta Barnaamijka Fiisaha Muhaajiriinta ee 2023 – oo caan ku ah bakhtiyaa-nasiibka degganaasha Mareykanka inuu billoowday, waxaana Koongarasku oggolaaday 55,000 oo muhaajiriinta adduunka oo Mareykanka deganaasho rasmi ah laga siiyo, si kor loogu qaado kala-duwanaanshaha Mareykanka.

Inta ay aqbalayaan codsiyada cusub,ee Green Card Lottery, mas’uuliyiinta Mareykanku waxay qirayaan dib u-dhac aad u weyn ee xagga socodsiinta kuwii hore loogu guuleystay, kuwaas oo badankood la xareeyay intii uu Mareykanka madaxweynaha ka ahaa Trump, iyadoo sidoo kale uu dib u-dhacaas qeyb ka ahaa aafada COVID-19.

Barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka ah ayaa soo maray sanado aan wanaagsaneyn, waxaaana sanadkii 2017-kii, madaxweynihii xilligaas ee Donald Trump uu ku dhawaaqay tallaabooyin dhowr ah oo ka horjoogsaday dadka kasoo jeeda waddamada Muslimiintu u badan inay yimaadaan Mareykanka.

Bishii Maarso 2020, Trump wuxuu xiray qunsuliyadaha adduunka, iyada oo uu jiro cudurka faafa ee coronavirus, waxaana maamulkiisu uu markii dambe ku dhawaaqay mamnuucida fiisooyinka muhaajiriinta qaarkood, isagoo ku dooday in loo baahan yahay in la ilaaliyo dhaqaalaha Mareykanka.

Xayiraadda socdaalka ee Trump, ayaa kumannaan qof oo ku guuleystay bakhtiyaa-nasiibka fiisaha laga hor-istaagay inay yimaadaan Mareykanka.

VOA

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post