1188 Views

Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Kampala iyo xaalada magaalada oo caawa kacsan

Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Kampala iyo  xaalada magaalada oo caawa kacsan
____________________________________________________________________________

Talaado: November 16, 2021

Waxaa muuqda saameynta ay yeesheen qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha,gaarahaanna isu socodkii iyo saxmadii ka jirtay caasimadda ka hor qaraxyadii ismiidaaminta ahaa.

Sawirro laga qaaday magaalada laguna baahiyay baraha bulshada ay muujinaya in waddooyinka mara bartamaha magaalad ay haawanayaan xili hore.

Mashquulka ganacsiga dad gooynaya jidadka iyo cariiri fara badan oo dhanka gawaarida ah ayaa caadiyan xiliyadaan oo kale ka jiri jiray Kampaala hase yeshee hadda waa maranyihiin dadkuna wakhti hore ayay xaroodeen iyagoo xiray goobihii ganacsiga.

Sawiirada la soo dhaigay baraha bulshada ayaa muujinaya waddooyinka halbowlaha ah ee caasimadda Ugandha oo cidlo ah.

Lix qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii maanta ka dhacay caasimadda Uganda, saddex kamid ah dadkaas ku dhintay weerarka waxay ahaayeen kooxihii qaraxa fuliyay.

Afhayeen u hadlay booliska Uganda oo lagu magacaabo Fred Enanga ayaa sheegay in xogaha sirdoonka ay hayaan ay muujinayaan in qaraxyada ay ka dambeeyeen maleeshiyaad maxalli ah oo lagu magacaabo ADF.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post