2766 Views

Diyaarado duqeeyay degaannada Daacish ka joogto Puntland

Diyaarado duqeeyay degaannada Daacish ka joogto Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 31  2017 – Wararka ka imanaya Degmada Caluula ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Diyaarado aan la garaneyn cidda iska leh ay duqeyn ka geysteen degaan hoostaga degmada Caluula.

Lama garanayo khasaaraha ka dhashay duqeynta Habeen hore ka dhacday degaanka lagu mahacaabo Af -kala haye oo 24km u jira Caluula.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqleen duqeyn xoog leh oo ay ka argagexeen taas oo aysan garaneyn cidda geysatay,waxaana ay muujiyeen cabsi ku soo korodhay degaankaas.

Maamulla Puntland iyo Dowladda Federaalka ah wali kama hadlin duqeynta diyaaradaha aan la garaneyn Cidda leh ay ka geysteen Gobolka Bari.

Buuraleyda Galgala waxaa ku sugan oo ay Saldhig u tahay Koox taabacsan Daacish oo uu hoggaamiye u yahay Sh. C/Qaadir Cali Muumin,kaas oo horay uga tirsanaa Al-shabaab.

C/Qaadir Cali Muumin ayaa 2015kii ku dhawaaqay in uu daacad u yahay Daacish islamarkaana uu maamulkiisu hoostago Dowladda Islaamka ee dhulka Ciraaq iyo Syria oo uu hoggaamiye ka yahay Abuu Bakar Al-Baqdaadi.

Ciidamada Puntland iyo Daacish ayaa tiro dhowr jeer ah ku dagaallamay degaannada Xeebaha ee Gobolka Bari,waxaana Daacish ay dhamaadkii 2016kii qabsatay Degmada Qanada ee Gobolka Bari,inkasta oo markii dambe ay ka saareen Ciidamada Maamulka Puntland oo weerar ku qaaday Qandala.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment