831 Views

Xubna ka socda Xafiiska Xalka Waara oo booqday xeryaha qoxootiga Kismaayo

Xubna ka socda Xafiiska  Xalka Waara oo booqday xeryaha qoxootiga Kismaayo
____________________________________________________________________________



Isniin : November 14, 2021

Xubna ka socda Xafiiska  Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo Urur gobaleedka Igad ayaa manata u kuur-galay xaalada ay ku sugan yahiin dadka barakacyaasha iyo qaxootiga soo gurya noqday ee  ku nool  magaalada kismaayo .

Mas’uulayiinta ayaa indha indheeyay qaabka ay u nool yahiin dadka baracakayaasha ah ee xeryaha ku nool  kuwaas oo  ay kala ah Faanoole IDPS oo ka kooban Gumeyni iyo Kheyre, Xaaji Weyne, Istanbul camp iyo Buula Bartire, iyada oo halkaasi ku haysto waxbarasho la’aan, caafimaad darro iyo in aysan heesan adeega aasaasiga u ah bulshada qeybaheeda kala duwan.

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Marwa Sahra Cabdi Maxamed  iyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacyaasha Jubbaland Mudane Mohamed Sheekh Khadar oo ay wehliyaan khubro kala socda Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Arrimaha Guddaha, dowladda dhexe ayaa warbxino la xariira bilowga waxa sababay in dadkan barakacan iyo sida loogu gurmaday ka dhageystay qeybahii kala duwanaa ee ay la kulmeen.

Intaas  kadib ayaa  mas’uulayiinta waxa ay kormeer ku tageen xaafada Midnimo oo ay dagan yahiin dadka soo guryo noqday halkaasi loogu sameyay guryo ka kooban Labo qol, barxad iyo suuli tasoo ka dhigtay in ay la mid noqdan dadka caadiga ah, iyagoona ka sheekeeyay nolashooda.

“waxaan kasoo barakacay fakaane, waxaan ku jirnay dhib iyo rafaad biyaa wax walbo inaga qaaday  rafaad ayaa ku jirnay, sidoo kale gabar ayaa kansar iiga dhacay oo halkan wax looga qaban  karin ka dib waxaa usoo barkacay magaalada Kismaayo, waxaa dib u dajin laygu sameyay xaafadan Midnimo oo layga siiyay gurigan Ka kooban 2 qol Alxamdulilaah waa caafimaad qabnaa waana fiicanahay dadka kale ayaan la mid nahahay  Maasha allaah, sida kale shaqo la, aan ayaa iska jirta oo ah wax la,aan guud oo aan la simanahay dadka kale  waa ku faraxsanahay nolshaha aan ku jirno, maanta roob  naguma da’ayo, ciyaalka waxbarasho ayey aadaan biyana waan haysanaa” ayey tiri Maamo Najmo bare.

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa waddo daddaalo ku aaaddan sidii looga miradhalin lahaa Istaraajiyadda xalka waara tasoo ay qeexayso hadafyada wax looga qabanayo dadka barakaca uu saameyay iyada oo mudnaan la kala siinayo dadkaasi nugal.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post