597 Views

Qarax Ka Dhacay Magaalada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud iyo wararkii ugu danbeeyay

Qarax Ka Dhacay Magaalada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud iyo wararkii ugu danbeeyay
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 17, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Gurciceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in goordhaweyd uu ka dhacay Qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha Magaalada, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Wararka aan helnay ayaaa sheegaya in Saaka Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaaladu laga maqlay jugta Qaraxa, oo magaalada si weyn u gil-gishay, waxaana si gaar ah uu Qaraxu uga dhacay Agagaarka Kaam Damaayo ee Ku yaalla Koonfurta Dagmada Guriceel.

Muuqaallo iyo Sawirro laga soo qaaday goobta Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ay muujinayaan baaaxdda iyo awoodda Qaraxa, kaasi oo bur-bur xooggan u gaystay goobta uu ka dhacay.

Dadka degaanka oo aynu la hadalnay ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxa, waxaana la sheegay in goobta oo ahayd meel cidlo ah uu ka dhacay qaraxu, waxaana wararku intaas ku darayaan in loo badaniyo in qaraxu uu ka dhashay haraadiga dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada.

Ciidanka ammaanka iyo sidoo kale dad weynaha Magaalada oo goobta isugu soo baxay, maaddama markii hore meesha ay wax ka dhaceen ay ahayd meel cidlo ah oo aysan dadi joogin, taasina waxaa ay keentay in khasaare nafeed uusan ka dhalan qaraxa, balse waxaa bur-bur laga dareemayaa goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhawaan ku dagaalamay Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Ahlu-sunna,waxaana wali xaafadaha qaar laga sooo sheegayaa in haraadiga hubkii la isku adeegsaday ay yaallaan, gaar ahaanw axyaabaha qarxa oo ku badan goobihii labada dhinac ku dagaaalaameen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post