294 Views

Alshabaab oo Qarax la beegsatay nin ku caayay Facebook nawaaxiga waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama.

Alshabaab oo Qarax la beegsatay nin ku caayay Facebook  nawaaxiga waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama.
____________________________________________________________________________


Talaado: September 26, 2022

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay nawaaxiga waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray nin lagu magacaabo Musharaf Maxamed Macalin, xilli uu marayey agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

vMusharaf ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, ayada oona loola cararay mid ka mid ah isbitaallada ku yaallo magaalada Muqdisho.

Weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday ninkan dhalinyarada ah oo sidoo kalena ah siyaasi ayaa ku soo aadayo saacado kadib, markii fariin ka dhan ah Al-Shabaab ku baahiyey bogggiisa Facebook-ga, isaga oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

Sida dhaqanka iyo Diintuba tahay, Ninka Ragga ah, seddax lagama maro, waa; Reerkiisa, xoolihiin iyo sharaftiisa.

Qofkasta oo raalli ka noqda sii socoshada intaa, ka damqan ama aysan dhibin ugu yaraan waa duyuus aan damiir lahayn.!

Duyuusku Janno ma galo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post