585 Views

shacabka Ethiopia oo u dareeray doorashada baarlamaaniga ah ee dalkaasi saakay

shacabka  Ethiopia oo  u dareeray doorashada baarlamaaniga ah ee dalkaasi saakay
____________________________________________________________________________

June 21 2021 

Dadweynaha waddanka Ethiopia ayaa maanta u dareeray doorashada baarlamaaniga ah ee dalkaasi, waxaana doorashadan oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo sanadkii hore ku yimid dib u dhac sababo ay dowladdu ku sheegtay cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Doorashadan ayaa ka dhacaysa inta badan dowlad-deegaannada dalkaasi marka laga reebo dowladda deegaanka Soomaalida, gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo iyo qeybo kale oo dalkaasi ka mid ah.

Doorashada ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ay wajahayso cadaadis caalami ah oo ku aadan sida ay u maareysay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray iyo musiibada baniaadanimo ee dagaalku keenay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post