702 Views

Ciidanka Haramcad oo Muqdisho ku dilay haweeney dad kalena dhaawacay

Ciidanka Haramcad oo Muqdisho ku dilay haweeney dad kalena dhaawacay
____________________________________________________________________________


Axad: March 27, 2022


Wararka aan ka heleyno isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in ciidamo ka wada tirsan dowladda ay halkaas isku rasasaaseeyeen, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Haweeney isgoyska Sanco ku laheyd maqaayad Shaaha lagu iibiyo ayaa la xaqiijiyey inay geeriyootay dagaalkii u dhaxeeyey ciidanka, halka ugu yaraan laba qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Khasaarahaas waxaa geystay ciidan la sheegay inay ka tirsan yihiin booliska gaarka ah ee Turkigu tababaray ee Haramcad, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay aagaas ku sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa saxaafada  u sheegay in Haramcad halkaas loo geeyey inay sugaan ammaanka shaqaalaha dhisaya wado laami ah oo ka bilaabata isgoyskaas.

Dadka aan la hadalnay waxay sheegeen in khasaaruhu uu intaas ka badan karo, maadaama ay ciidamadu aad isugu rasaaseeyeen goobta, goorta ay shaqaaqadani dhacday waa Maqribkii.

Haweeneyda geeriyootay ayaa aad looga yaqaanay deegaanka, waxayna mudo dheer isgoyska Sanca ku laheed meherad lagu iibiyo Shaaha, dhaawacyadii kale ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka ee u dhow isgoyska.

Ma jirto ilaa hadda cid faahfaahin sax ah ka bixisay sababta ka dambeysay in ciidanku ay israsaaseeyaan, sidoo kale waxaan kala cadeyn in Haramcad dhexdeeda ay isku dhaceen iyo in ciidan kale ay isqabteen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post