723 Views

Al-shabaab oo Weeerar dhaba gal ah ku qaadaykolonyo ciidamada Amisom ah

Al-shabaab oo Weeerar dhaba gal ah ku qaadaykolonyo ciidamada Amisom ah
____________________________________________________________________________


Talaado: August 10, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal dhaba gal ah oo ka dhacay  gobolka Shabeellada Hoose, kadib  ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ciidamada AMISOM ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn.

Dad ku sugan aaga uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in markii hore weerarku ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo lala beegsaday kolonyada ciidamada Uganda, dabadeedna la maqlay hub culus oo ay labada dhinac isku ridayaan.

Sidoo kale Ilaa hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi uu dhaliyay balse war ka soo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen in gaari kuwa qafilan ah ay gubeen, tiro askarta Uganda kamid ahna ay dileen inkastoo illo madaxbannaan oo xaqiijinaya aanay jirin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post