1284 Views

Taliban oo sheegtay in xalka Afqanistaan uu ku jiro dowlad islaami ah oo laga dhiso dalkaas

Taliban oo sheegtay in xalka Afqanistaan uu ku jiro dowlad islaami ah oo laga dhiso dalkaas
____________________________________________________________________________

June 20 2021

Xilli rabshdaha ka taagan dalka Afghanistan ay sii kordhayaan ayaa hogaamiya ku xigeenka kooxda Taliban waxaaa uu sheegay inay ka go’an tahay wadahadalada nabadda.

Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa intaa ku daray in “nidaam islaami ah oo sax ah” uu yahay qaabka kali ah ee lagu soo afjari karo dagaalka Afqanistaan.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli walaac laga qabo in la isku mari waayo wadahadalada u dhaxeeya Talaiban iyo dowladda Afqanistan ee gar-wadeenka ka tahay dowoladda Qatar.

Wadahadaladii u dhaxeeya Taliban iyo dowladda Afqanistaan ayaa muddo bilooyiin ah hakad ku jiray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post