993 Views

Benjamin Netanyahu Ra’iisal wasaaraha Israa’iil, oo noqday hogaaminaya ugu mudada dheeraa Dalkaas

Benjamin Netanyahu  Ra’iisal wasaaraha Israa’iil, oo  noqday hogaaminaya ugu mudada dheeraa Dalkaas
____________________________________________________________________________

May 5-2021

Shan iyo tobankii sano ee uu Benjamin Netanyahu ra’iisal wasaaraha ka ahaa Israa’iil, waxa uu noqday hogaaminaya ugu mudada dheeraa iyo weliba kii ugu horreeyay ee dacwad lagu soo oogo isaga oo xukunka haya.

Hoggaamiyahan xisbiga Likud oo ay taageerayaashiisa ugu yaqaanaan “Boqor Bibi” iyo “sixiroole” ayaa wajahaya xilligii ugu adkaa, isagoo u dagaallamaya jiritaankiisa siyaasadeed xilli loo haysto eedeymo musuq-maasuq.

Guusha uu ka gaaray doorashada ayaa inta badan loo tiiriyaa inuu u muuqdo qof Israa’iil ka difaaci kara cadowgeeda Bariga Dhexe.

Waxa uu si adag uga hortagay qadiyadda Falastiiniyiinta, isagoo walaaca amni ku xira wadahadallada nabadda, marar badanna sheegaya in Iran ay khatar ku tahay jiritaanka Israa’iil.

Benjamin Netanyahu waxa uu ku dhashay Tel Aviv sanadkii 1949. Qoyskiisa ayaa Maraykanka u guuray 1963 kadib markii aabihii Benzion oo ahaa taariikhyahan uu halkaa ka helay shaqo barenimo.

Markii uu 18 jir noqday, ayaa Netanyahu waxa uu ku soo laabtay Israa’iil, isagoo muddo 5 sano ah kamid ahaa ciidamada. Waxa uu kabtan ka noqday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Sayeret Matkal, isagoo ka qeyb qaatay hawlgalkii garoonka diyaaradaha ee Beirut ka dhacay 1968, kaas oo lagu burburiyay 14 diyaaradood oo garoonka tiilay iyo dagaalkii Bariga Dhexe ee 1973.

Kadib markii uu gutay hawshiisii ciidan, waxa uu ku laabtay Maraykanka, isaga oo shahaadooyinka bachelor iyo master ka qaatay jaamacadda Massachusetts Institute of Technology (MIT).

Sanadkii 1976, walaalkii Jonathan ayaa ku dhintay hawlgal ay ciidamada Israa’iil ku soo furanayeen diyaarad lagu haystay garoonka Entebbe ee Uganda. Geeridaas ayaa saameyn xooggan ku yeelatay qoyska Netanyahu, waxaana Jonathan halyey looga aqoonsaday Israa’iil.

Netanyahu ayaa asaasay mac-hadka la dagaallanka argagixisada oo uu ugu magac daray walaalkii, waxaana sanadkii 1982 uu noqday kuxigeenka madaxa safaaradda Israa’iil ee Washington. Durbadiiba waxa uu si weyn uga dhex muuqday shaashadaha telefishinnada Maraykanka, maadaama uu ku hadlo Ingiriis aad u wanaagsan.

Laba sano kadib, waxaa loo magacaabay wakiilka joogtada ah ee Israa’iil u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Siyaasadda

Sanadkii 1988 ayuu dib ugu laabtay Israa’iil, waxaana uu ku guulaystay xubin ka mid ah baarlamaanka Knesset, kana tirsan xisbiga Likud, waxaana loo doortay wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda.

Muddo kadib ayuu noqday guddoomiyaha xisbigaas. Sanadkii 1996, Netanyahu ayaa noqday ra’iisal wasaarihii u horreeyay ee ay shacabka toos u doortaan, kadib doorasho xilligeeda ka soo hormartay oo ka dhalatay khaarijintii Yitzhak Rabin.

Waxa uu sidaa ku noqday hoggaamiyihii ugu da’da yaraa ee Israa’iil soo mara.

Waxaa looga guulaystay doorasho xilligeeda ka soo hormartay oo dhacday 1999, taasoo uu ku soo baxay hogaamiyihii xisbiga Labour-ka, Ehud Barak.

Dib u soo laabashadii siyaasadeed

Netanyahu ayaa ka degay xilka guddoomiyaha Likud, waxaana kala wareegay Ariel Sharon.

Markii uu Sharon noqday ra’iisal wasaaraha sanadkii 2001, Netanyahu ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibedda, kadibna kan maaliyadda.

Sanadkii 2005, waxa uu iska casilay xilkii uu hayay isagoo ka carooday in ciidamada Israa’iil laga soo saaro marinka Gaza.

Fursad kale ayaa soo martay sanadkii 2005, markii uu Sharon ka baxay xisbiga Likud, isla markaana samaystay xisbi cusub oo la yiraahdo Kadima. Waxa uu markale noqday hoggaamiyaha Likud.

Bishii March 2009, waxaa mar labaad loo doortay ra’iisal wasaaraha Israa’iil.

Inkastoo 2009 uu si cad u sheegay in uu si shuruudo leh u aqbalayo dal Falastiiniyiintu leeyihiin oo laga garab sameeyo Israa’iil, ayaa haddana waxa uu ka laabtay go’aankaas.

“Lama samayn doono dal ay Falastiiniyiinta leeyihiin, mana noqon karo midka ay dadka ka hadlayaan. Taas ma dhici doonto,” ayuu u sheegay idaacad ku taal Israa’iil sanadkii 2019.

Colaadda Gaza

Dagaallada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo milateriga Israa’iil ee ka dhaca Gaza iyo agagaarkeeda ayaa soo noq-noqday ka hor iyo kadib markii uu Netanyahu xilka ku soo laabtay 2009.

Bishii July 2014, waxaa Gaza ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay, kadib markii gantaallada ay Falastiiniyiinta ku ridaan Israa’iil ay dhalisay in ciidamada lugta ay gudaha u galaan marinkaas.

Colaadda oo 50 maalmood socotay ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 2,100 Falastiiniyiin ah oo badankood rayid ah, halka Israa’iil ay uga dhinteen 67 askari iyo lix qof oo rayid ah.

Inkastoo uu Maraykanka taageero u muujiyay Israa’iil inta uu dagaalka socday, haddana waxaa meel adag marayay xiriirka Netanyahu iyo madaxweyne Baraclk Obama.

Waxa uu xiriirkooda meel xun gaaray, kadib markii March 2015 uu Netanyahu khudbad u jeediyay Congress-ka Maraykanka, isagoo ka digay “heshiis xun” oo laga galo barnaamijka nukliyeerka Iran. Maamulka Obama ayaa dhaliilay booqashada Netanyahu, waxaana uu ku tilmaamay mid faragelin iyo dhaawac ah.

Xiriirka Trump

 

Markii uu Trump xilka la wareegay, waxaa aad isugu soo dhawaaday siyaasadaha Maraykanka iyo Israa’iil. Muddo sanad gudahiis ah, Trump ayaa Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil, tallaabadaas oo ka caraysiisay Carabta.

Sanad kadib, Trump ayaa buuraha Suuriya laga haysto ee Golan Heights u aqoonsaday qeyb kamid ah Israa’iil.

January 2002, Netanyahu ayaa soo dhaweeyay qorshaha Trump ee nabadeynta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, in kastoo laga qorshahaas laga diiday dhanka Falastiin.

Netanyahu ayaa sidoo kale soo dhaaweeyay in sanadkii 2018 uu Trump ka baxay heshiiskii nulkiyeerka Iran, uuna cunaqabateyn ku soo rogay xukuumadda Tehran.

Maxkamadeyn

 

Bishii November 2019, Netanyahu waxaa lagu eedeeyay saddex dacwadood oo kala ah laaluush qaadasho, wax isdaba marin iyo inuu khiyaanay amaanada bulshada.

Netanyahu ayaa lagu eedeeyay inuu hadiyado ka qaatay maalqabeenno ganacsato ah, uuna asxaan u sameeyay si uu warbaahinta uga helo tebin wanaagsan.

Waxa uu beeniyay eedahaas, isagoo ku tilmaamay duulaan siyaasadeed oo ay wadaan dadka ay isku hayaan siyaasadda.

Bishii May 2020, waxa uu noqday ra’iisal wasaarihii u horreeyay ee isaga oo xil ka haya Israa’iil maxkamad la soo taago, waxaana uu dhagaha ka furaystay baaqyo uga imanayay mucaaradka oo ahaa inuu iscasilo.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post