1152 Views

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo u dhoofay Baladweyne

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo u dhoofay Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 10, 2019–Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Goordhow ka duushay diyaarad sida wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh.

 

Labada Mas’uul iyo Xubno la socda oo katirsan Madasha Xisbiyada aran ayaa dhowr saacadood waxaa ay ku xayirnaayeen Garoonka Aadan-Cadde kadib markii loo diiday inay ka dhoofaan Garoonka.

 

 

 

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ah Xiuldhibaannada Golaha Shacbaka kana tirsan Xisbiga Midowga iyo horumarka ee UBP oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa sheegay in sababta loogu diiday inay tahay safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Beledweyne, si aanay Madasha Xisbiyada Qaran uga hormarin Beledweyne.

 

Xaalada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho ayaa haatan si caadi ah kusoo laabatay,kadib markii muddo saacado ah laga dareemay joojinta safarka Baladweyne ee Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment