864 Views

Maamulka G/Banaadir & Gaadiidleyda Muqdisho oo Go’aano soo saaray

Maamulka G/Banaadir & Gaadiidleyda Muqdisho oo Go’aano soo saaray
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 03 2020–Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Xarunta gobolka Banaadir kulan kula qaatay ururka iskaashatada gaadiidleyda kaas oo ujeedkiisu ahaa dhaqangalinta awaamiirta la xariirta ka hortago faafitaanka cudurka halista ah ee Coronavirus.

Kulankani oo ay goob jog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo saraakiisha hogaanka Taraafikada ayaa aad looga dooday sida ugu haboon ee loo isticmaali karo gaadiidka BL-KA ama bajaajta waxaana wadatashi kadib lagu heshiiyay in tira yar oo dadweyna ah ay raaci karaa ama ay isticmaali karaan gaadiidka iyadoo la kala fogaanaayo si loo raaco tilmaamaha ka hortaga caabuqa covid-19.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar (Filish) ayaa sheegay in laysku afgartay in la dhiso guddiga isku dhaf ah oo ka shaqey doono sidii layskga kaashan lahaa cudurka halista ah ee Karoona Feyruska.

“Waxaan ku hishiinay inaan dhisno guddiga ay ku mideysan yihiin uruka iskaashatooyinka gadiidka leyda ,Maamulka Gobolka Banaadir ,Taliska Ciidan Booliska gaar ahaan Ciidmada illaalada wadooyinka ee taraafikada si aan iskaga kaashano Cudurkaan kusii faafaya dalka ee Covid-19 sidaan ku xakeyn laheyn anagaa illaalineyso badqabka bulshada Caasimada”

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment