1458 Views

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo amartay in laga guuro dhulka war-laliska Radio Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  oo amartay in laga guuro dhulka war-laliska Radio Muqdisho
____________________________________________________________________________

 Isniin: October 11, 2021

 Amar ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay laguna war galiyay dadkii daganaa 30-kii sano ee la soo  dhaafay dhulka war-laliska Radio Muqdisho in ay deg deg uga guuraan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in dadka degan dhulkaas oo ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ay si dhaqso ah uga guuran.

“Maamulka gobolka Banaadir iyo degmada Dayniile iyo taliska qaybta guud ee Booliska ayey wasaaradda ka codsatay in doorkooda ay ka qaataan sidii loo baneyn lahaa dhulka war-laliska Radiomuqdisho ee degmada Dayniile oo baahi degdeg ah u qabto wasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradadda

Sidoo kale Qoraalka laguma xusin waqti cayiman oo la siiyey dadkaas si ay uga guuraan dhulkaas, marka laga imaado in si dhaqso ah u faarujiyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post