993 Views

Wufuud kala duwan oo Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Wufuud kala duwan oo Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  02- 2019–Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta la filayaa inay gaaraan  Odayaasha saxiixayaasha Galmudug ,kuwaas oo qorsuhu ahaa in Sabtidii todobaadkaan in la xareeyo,balse ay dib u dhacday.

 

Odayaasha oo ka kala imaanaya deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug iyo Muqdisho ayaa la filayaa in la xareeyo Todobaadkaan gudihiisa,kuwaas oo ka qeyb qaadanaya xulista Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

 

Odayaasha saxiixayaasha ah ee laga sugayo Dhuusamareeb ayaa qaarkood waxaa ay halkaasi  ku tegi doonaan Safaro dhulka ah sida Odayaasha la tegaya dhinaca Gobolka Mudug.

 

Shalay ayaa waxaa lagu dhawaaqay in muddo todobaad ah la hakiyey howlihii doorashada Galmudug si wada-hadal loola furo hoggaanka Ahlusunna uu saluugsan sida ay dowladda u wajaheyso dhismaha Galmudug.

 

Sidoo kale wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ku wajahan yihiin wafdi Wasiiro ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaas oo ka qeyb qaadanaya xalinta tabashada hoggaanka Ahlusunna.

 

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa aad loo adkeeyey, iyada oo Ciidamada kala duwan ee Dowladda ay siweyn u adkeeynayaan.

 

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment