597 Views

Muwaadiniinta Somaaliyeed ee lagu dilayo Koofur Afrika oo sii kordhaysa.

Muwaadiniinta Somaaliyeed ee lagu dilayo Koofur Afrika oo sii kordhaysa.
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 8, 2022

Allaah u Naxariistee labo qof oo Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay Weerar ka dhacay Tuulada Khayelitsha gaar ahaan SIDE B oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Burcad Koonfur Afrikaan ah oo doonayay in ay dhacaan goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Somaaliyeed ayaa dilay Allah Unaxariistee Yaasiin Cumar iyo yuusuf jowhar, halka ay sidoo kale dhaawaceen muwaadiniin kale.

Sidoo kale Labo Muwaadin oo Malawian ah, ayaa dhacdadan lagu Toogtay, sida ay sheegayaan Soomaalida deegaanka oo ku sugnaa halka ay mashaqadu ka dhacday, waxaa kale oo ay sheegeen in ay jiraan dhaawac loo geeystay muwaadiniin kale oo Soomali ah in kastoo aan tiradooda la cayimin.

Xalay ayey aheyd, markii sidoo kale burcad Koonfur Afrikaan ah ay dileen muwaadin lagu magacaabi jiray Blaki oo aad loo yaqaanay dalka Koonfur Afrika sidoo kalana ahaa ganacsatade weeyn kaas oo ay ku dileen magaalada Town.

Sidoo kale Maalin kahor ayeey aheyd markii burcad kale oo Koonfur Afrikaan ah ay dileen C/rashiid Axmed Sheekh Maxamuud iyo Mowliid Yare kuwaaas oo iyana lagu dilay halka loo yaqaan Strand oo ka tirsan isla Magaalada Cape Town.

Tiradda dhimashada muwaadiniinta Somaaliyeed ee burcadda hubaysan ay ku dileen wadanka Koonfur Afrika isbuucaan gudihiis ayaa gaareeyso ilaa 5 ruux, waxaana Booliska Koonfur Afrika, ay sheegeey inay ku raad-joogaan kuwa musiibadan gaystay, sidoo kalana ay gacantana kusoo dhigi doonaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post