1503 Views

Axmed Fiqi oo si kulul u weeraray Siyaasiyiinta iyo Culimada warbaahinta ka difaaca Madaxweyne Farmaajo

Axmed Fiqi oo si kulul u weeraray Siyaasiyiinta iyo Culimada warbaahinta ka difaaca Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 20, 2019 –Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul u weeraray hab dhaqanka siyaasiyiinta iyo Culimada warbaahinta ka difaaca dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad shidaal lagu soo shubo

Qoraal uu soo diray bartiisa Facebook ayuu uga hadlay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo iyo hadalo warbaahinta ay siiyeen Siyaasiyiiniyo Culimo taageera Madaxweyna Farmaajo.

“Marka fatwada culimadu ay kiro noqoto, siyaasi horey u fashilmayna uu u istaago difaacidda mid kale oo wadadiisii haaya, qaaqle shidaal lagu soo shubo, ogaada daaha gadaashiis waxaa ku jira hogaamiye fashilmay oo aan dayactir lahayn”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Fiqi oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ololaha doorashada u waday Madaxweyne Farmaajo, balse ay mar danbe isku dhaceen ayaa sheegay in Madaxweynuhu dadkii taageeray uu ku tilmaamo qabiil iyo Al-Shabaab, uguna hanjabo inuu gacan bir ku qabanayo ayuu xusay inay taasi tahay Hoggaan xumo.

“Markii madaxweynihii dadkii uu taageeradooda taladaa ku yimid oo ka cabanaya dhibaatoooyinka ka soo gaarey hogaan-xumidiisa uu ku tilmaamay “qabiil iyo shabaab” uuna ugu hanjabay inuu ku qaban doono gacan-bir ah, meeshii laga sugayey in uu keeno xalka dhibkii dadku ka cabanayeen, fariimahaas hanjabaadaha ah waxay ku haboonaayeen in uu u diro kuwa “shacabkaas dhibaatada ay ka cabanyeen u geysanaya iyo argagixisada qaraxyada gaysanaysa, si maro loogu geliyo hadaladaas deelqaafka ah waxaa warbaahinta lagu soo yaacshay maalmihii na gudbay “wadaado fatwada laga ijaartay, iyo qaaqlayaal dalkaan laga yaqaano, waxaana heeso xawilaad ah soo qaaday fanaaniin beeleedyo”ayuu yiri Axmed Fiqi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment