627 Views

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Kismaayo & Jubbaland oo ka hadashay

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Kismaayo & Jubbaland oo ka hadashay
____________________________________________________________________________

Qaraxa oo ahaa Bambaanada nooca Gacanta laga tuuro ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Isgoyska Somali Star ee magaalada Kismaayo waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa Bambaano lagu weeraray Ciidamo ka tirsan booliska Jubbaland oo ku sugan Isgoyska Somali Star, waxana qaraxa ku dhaawacmay 7 Ruux oo u badan Ganacsato.

Sidoo kale Goobjoogayaasha waxaa ay sheegeen in qaraxa uu dhaawac culus kasoo gaaray Haweeneey  Caano ku iibineysay halka uu ka dhacay qaraxa, taas oo dhaawaceeda la geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jubbaland Maxamed Cabdi Sheekh ( Xujaale) ayaa sheegay in qaraxaas ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay la beegsadeen Ciidamada Booliska, waxana uu xaqiijiyay inay dad Shacab ah ku waxyeeloobeen.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay weerarkii bambaano, isla markaana howlgalka ay ku qabteen dad farabadan oo tuhmanayaan ah ayna dhawaan soo bandhigi doonaan.

Weerarka Bambaano ee ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeenadii la soo dhaafay ay howlgallo xiriir ah ka socdeen xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post