1995 Views

Dhageyso:-Nin Dhaawac Ahaa Oo Lagu Dhax Dilay Isbitaalka Keysaneey & Xiisad Ka Taagan

Dhageyso:-Nin Dhaawac Ahaa Oo Lagu Dhax Dilay Isbitaalka Keysaneey & Xiisad Ka Taagan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  January 02, 2019 —Wararka ka imaanaya Isbitaal Keysaney oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagantahay xiisad,kadib markii gudaha Isbitaalka lagu dhex dilay nin dhaawac ahaan loo geeyay.

Dad ku sugan gudaha Isbitaalka  ayaa sheegay in ninka la dilay uu ku soo dhaawacmay iska hor imaad dad deegaanka ah ku dhex maray Ceelka Cali-Geedi oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in Ninka lagu dhex dilay qeybta saalada,kadib markii ay soo galeen koox hubaysan halkaasna uu ku geeriyooday,dhinaca kalana waxaa iska hor imaad kooban uu dhex maray Ilaalada Isbitaalka iyo Kooxdii dilka geysatay waxaana arrintaan loo badinayaa in ay la xiriirto aano qabiil.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa haatan gaaray Isbitaalka Keysaneey waxaana weli taagan Xiisadda ka dhalatay dilkaas,iyada oo dadka bukaanka iyo eheladii la joogayna ay sheegeen in ay ka argagaxeen dhacdadaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment