1098 Views

Wasiirka wasaaradda Amniga Soomaaliya oo beeniyay in ciidamada dowladda ay weerareen hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Wasiirka wasaaradda Amniga Soomaaliya oo  beeniyay in ciidamada dowladda ay weerareen hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
____________________________________________________________________________

April 25, 2021

Wasiirka wasaaradda Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa beeniyay in ciidamada dowladda ay weerareen hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay howgiisa soo weerareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, isagoo Madaxweyne Farmaajo dusha ka saaray mas’uuliyadda dagaalkaasi.

Wasiirka amniga ayaa sheegtay in ay soo afjareen kooxo uu sheegay in la soo abaabuley oo Muqdisho ka sameeyey ammaandarro.

Sidoo kale wasiir Xundubeey ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post