438 Views

Dagaalka Ukraine oo laga baqayo in uu weji kale yeesho

Dagaalka Ukraine oo laga baqayo in uu weji kale yeesho
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 1, 2022

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay, Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ogolaaday inuu u diro dalka Ukraine hub aad u horumarsan oo dhanka gantaalada ah, isaga oo rajaynaya in awood Ukraine iyo Ruushka ee dhanka madaafiicda ahi ay noqdaan kuwo isku mid ah si xal diblomaasiyadeed loogu soo afjaro dagaalka.

Balse Mareykanka ayaa ogolaaday in uu bixiyo gantaalada sida saxda ah loo hago, kuwaas oo gaari kara bartilmaameedyada ilaa 70km (45 miles), kaliya ka dib markii ay heleen hubanti ah in hubka aan loo isticmaali doonin in lagu weeraro bartilmaameedyada gudaha Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in dalkiisa “aanu rabin in uu weeraro Ruushka”.

Wareysi uu siiyay TV-ga Newsmax, hogaamiyaha Ukraine wuxuu ku adkeystay in madaafiicda loo isticmaali doono oo keliya in ay isku difaacaan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post