534 Views

Banaanbaxyo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah G/Gedo.

Banaanbaxyo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah G/Gedo.
____________________________________________________________________________

Isniin: February 28, 2022

Shacab badan oo ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa maanta iskugu soo baxay Banaanbaxyo Magaalooyinka Beledxaawo iyo Doolow, iyagoo ay ku dalbanayeen in magaalada Garbahaarey oo ka tirsan gobolkaas lagu qabto doorashada kuraasta 16-ka ee taala.

Sidoo kale, dibadbaxayaasha ayaa xusay in Magaalada Garbahaarey lagu qaban karo doorasho islamarkaana ay nabad tahay, iyagoo madaxda dowladda ugu baaqay in ay go,aamiyeen in doorashada lagu qabto magaaladaas.

Shacabka dhigayey dibad-baxa oo ahaa kuwa careysan ayaa ku qaylinayey erayo ay ka mid yihiin, Musuq-maaquq doonimeyno, Dollar qaate dooni meyno iyo erayo kale.

Sidoo kale, Dibad-baxaan ayaa looga soo horjeeday in la boobo doorashada kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Garbahaarey.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegay in aysan suurta gal ahayn in doorasho lagu qabto Garbahaarey iyagoo u sababeeyay faragalin dowladda ay ku heyso, maadama ay xuseen in ciidamo gaar ah oo Villa Soomaaliya ka amar qaata ay ku sugan yihiin Magaaladaas.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post