1326 Views

Ciidanka Amniga Oo Xalay Howlgal Ka Sameeyay Duleedka Muqdisho

Ciidanka Amniga Oo Xalay Howlgal Ka Sameeyay Duleedka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 08, 2019 –Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen Duleedka Muqdisho iyo qeybo kale oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka xalay inta badan ka sameeyay Xaafado ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho,isla markaana baaritaano ku sameeynayay guriyo bartilmaameed u ahaa.

Dad ku sugan Ceelasha Biyaha oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in Ciidamada xalay howlgalkaas ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaas oo qaarkood la xusay in Ciidamada ay u horey u wateen si baritaano kala duwan loogu sameeyo.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in howlgal kale Ciidamada ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,hayeeshee weli Taliska Booliska wax war ah kama soo saarin.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgal xoogan,kuwaasi oo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda oo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amnidarro.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment