1029 Views

Madaxweyne Xasan oo magacaabay agaasimaha madaxtooyada iyo ku-xigeenkiisa

Madaxweyne Xasan oo magacaabay agaasimaha madaxtooyada iyo ku-xigeenkiisa
____________________________________________________________________________


isniin: May 23, 2022


— 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay m,adaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Sheekh “uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.”

Qoraalka kasoo baxay Villa Somalia ayaa intaas ku daray :Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waxa uuna uga mahad-celiyey Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey.”

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ahaa Senator laga soo doorto Koonfur Galbeed, baarlamankii 10-aad, balse dib looma soo dooran, wuxuuna xubin ka ahaa xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Xuseen Sheekh Maxamuud sanadkii 1982 waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aadna waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacaddana (Master Degree) waxa uu ka diyaariyey Daraasaadka Horumarinta, halka uu haatan ku guda jira takhasusuka PhD-ga ee Nabadda iyo Arrimaha Dowliga ah.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ugu magacaabay xilka ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Maxamed Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika.

Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post