1806 Views

Maxaa ka jira in madaxweyne Farmaajo shirkada LFA Holdings lacag ku siiyay sidii uu ku tagi lahaa Aqalka Cad?

Maxaa ka jira in madaxweyne Farmaajo shirkada LFA Holdings lacag ku siiyay sidii uu ku tagi lahaa Aqalka Cad?
____________________________________________________________________________

Sida lagu daabacay bogga afka dheer ee lagu magacaabo Foreignlobby.com, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu dhaqaale badan ku bixinayaa in uu booqdo Mareykanka.

Sida ku xusan warbixinta, Farmaajo oo wajahaya cadaadis culus oo kaga imaanaya caalamka iyo maamulka Joe Biden kuna saabsan is-mari-waaga doorashooyinka waqtigooda lasoo dhaafay ayaa doonaya in uu hortago baarlamaanka Mareykanka iyo in uu Aqalka Cad kula kulmo Joe Biden.

Shirkadda lagu magacaabo LFA Holdings, fadhigeeduna yahay magaaladda New Jersey, oo ay kiraysatay Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo kala shaqaynaysa safarkiisa Maraykanka sida ku cad warbixinta.

Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa qandaraaska la gashay shirkaddan 22-ka bishii Maarso ee sanadkan, sida ku cad dukumiintiyo lala wadaagay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, taasoo uu ku saxiixan yahay danjiraha Soomaaliya ee Washingtn, Amb Cali Shariif Axmed.

LFA Holdings ayaa shaqadan ku qabaneysa aduun lacageed oo dhan $150,000.

Shaqooyinka ay qabaneyso shirkadan waxaa kamid ah in sidoo kale ay Farmaajo ka caawiso la kulanka xubno ka tirsan baarlamaanka Mareykanka iyo hay’addo daraasaad [think tanks].

“Baaxadda shaqo ee LFA waa mid cayiman balse laguma xadidin oo keliya taageerada booqashada Congresska Mareykanka,” ayuu agaasimaha guud ee LFA, Luis Aleman oo ku saxiixnaa warqada heshiiska uu la galay danjire Cali Shariif. “LFA sidoo kale waxay gacan ka geysan doontaa xoojinta xiriirka shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo maalgashiga shisheeye ee tooska ah”.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington iyo shirkadda LFA ayaan wali wax jawaab ah ka bixin dalabyo ku saabsanaa in ay ka hadlaan ama ay tafaasiil ka bixiyaan qandaraaska ay kala saxiixdeen.

“Warqadda heshiiska waxaa ku taariikheysan March 22, waana saddex maalmood kadib markii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken uu soo saarey war-saxaafadeed uu ugubaaqayo in doorashooyinka Soomaaliya ay si deg-deg ah ku dhacaan,” ayay warbixintu raacisay.

Inta la og-yahay waa markii labaad uu Farmaajo isku dayo in uu dhaqaale ku bixiyo booqasho rasmi ah oo uu ku tago dalka Mareykanka halkaasoo uu ku noolaa kahor inta uusan madaxwayne noqon Febraayo, 2017. Intii Donald Trump joogay Aqalka Cad ayuu sidaan kale kireystay shirkad maxaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post