1227 Views

Tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir 2021 oo si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho

Tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir 2021 oo si  habsami leh uga socda magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 2021

 
Tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir 2021 ayaa si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho, kaasi oo ay u soo daawasha tagaan dadweyne aad u fara badan oo ka kala socday degmooyinka Gobolka.

Xidigaha Degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile oo kulankiii 11aad ku yeeshay Garoonka Injineer Yariisow ayaa barbaro 1-1 isla dhaafi waayay, kadib markii ay labada dhinac soo bandhigeen cayaar aad u qurux badan.

Yaaqshiid oo goolka dhalisay qeybta hore ee ciyaarta waxaa u saxiixay ciyaaryahanka No- 9 Cabdifitaax Cali Diini, basle waxaa Deyniile gebogbadii ciyaarta rigoore ugu barbareeyay Cabdiraxmaan Ibrahiim Aadan oo No-20 qaata.

Dhanka kale Degmada Boondheere ayaa 1-0 uga badisay Degmada Heliwaa oo ay garoonka Muqdisho ku qaateen kulanki 12-aad ee tartanka, waxaana goolka qeybta hore ee ciyaarta u saxiixay ciyaaryahanka No-7 Saciid Xaaji Maxamed.

Kala Sarreynta Group B.
1- Deyniile 2 kulan 4 dhibcood
2- Yaaqshiid 2 kulan 4 dhibcood
3- Boondheere 2 kulan 3 dhibcood
4- Heliwaa 2 kulan Eber.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post